Iyadoo uu weli socdo diyaar garowga wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab ayaa waxaa magaalada Guriceel ee Gobolka Gagaduud lagu soo bandhigay ciidamo boqolaal ah oo Macawisley ah.
Ciidamadan oo ka qeyb qaadan doono dagaalka Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay dhallinyaro degaanka Guriceel kasoo jeeda oo loo diyaariyey inay ka qeyb noqdaan howlgalka degaanada Galmudug looga xoreynayo deegaanada.
Ciidamadan ayaa waxaa ku jira maleeshiyaadkii ururka Ahlu Suna ee degaanada Galmduug, waxaana hadda loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.
Ciidamada Dowladda iyo Macaawisleyda ayaa hadda ku jira abaabulkii ugu dambeeyay dagaalka Alshabaab oo wejiga labaad dhowaan la bilaabayo, iyadoo Madaxweynaha Soomaliya la sheegay inuu tegi doono Dhuusamareeb.