Is-maamulka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa shaaciyey inuusan aqoonsaneyn wixii maanta ka danbeeya xukuumadda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed oo xilligii la doortay uu shalay 5 Oktoobar 2020 ku ekaa.
Xisbiga talada Maamulka Tigreega haya ee TPLF ayaa ugu yaaray xubnaha kasoo jeeda maamulka Tigreega ee hayaxilalka dowladda dhexe ee Itoobiya inay xilalkooda iska casilaan, kuna laabtaan maamulkaasi, waxaana ka mida xubnahaasi, Xildhibaannada Golayaasha wakiillada shacabka iyo golaha Federaalka.
Mas’uul ka tirsan Xisbiga TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in muddo xilkeedkii Baarlamaanka Federaalka dalka Itoobiya uu dhammaaday, sidaasoo kalena ay sharciyadii ka dhammaatay dowladdi uu baarlamaankaasi dhisay iyo xukumaddi uu magacaabay oo shayd 5 sano.
Is-mari waaga Maamulka Tigreega iyo dowladda Federaalka Itoobiya ayaa salka ku haya muddo kororsi Baarlamaanka Itoobiya u sameeyay xukuumadda Itoobiya iyo Doorashadii dalkaasi oo dib loo dhigay, taasoo ay ka hor yimaadeen maamulka Tigreega, kadiba uu qabsaday doorasho isaga u gaara oo dowladda Itoobiya ku gacan seyrtay, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay gacan ka hadal keento haddii dowladda Itoobiya ciidamo u dirto Gobolkasi.