Maamulka Somalialnad ayaa xabsiga dhigay Ugaarsato ka timid dalka Imaaraadka Carabta, xilli ay ka duuli rabeen Garoonka Cigaal magaalada Hargeysa.
Raggaoo tiradoodu gaareyso 9 ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamada Garoonka magaalada Hargeysa, markii lagu eedeeyay inay si sharci darro ah uga ugaarsadeen deegaanada maamulka Somaaliland, sida laga soo xigtay Agaasimaha Duurjoogta ee Wasaaradda Deegaanka Soomaaliland Naasir Xuseen.
Wuxuu sheegay in xariga 9-ka nin ee kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta ay ka dambeysay markii ay sharci uga ugaarsadeen deegaano ka tirsan Somaaliland, wuxuuna caddeeyay inay sharciga marsiin doonaan. maxkamadna lasoo taagi doono.



