Wednesday, December 4, 2024

Maamulka Somaliland oo War cad kasoo saaray Shirka Brussels ee Arrimaha Soomaaliya [Akhriso]

Maamulka Somaliland ayaa War cad kasoo saaray Shirka ka furmay magaalada Brussels ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, waxayna mar kale ku celisay inaysan waxba ka quseynin shirkaasi

War-Saxaafadeedka ka soo baxay Somaliland ayay ku caddeysay inaysan waxbka khuseynin shirka Brussels, isla markaana aanu waxba ugana duwaneyn shirarkii hore uga dhacay Muqdisho iyo Garoowe, iyadoo sidoo kale sheegtay inay diyaar u tahay xabadjoojin ka dhaca degaanka Tukaraq.

Hoos ka Akhriso War-Saxaafadeedka  Somaliland

Ad

Shirka Soomaaliya ku qabsatay Brussels, waa shir iyaga u gaar ah, mana quseeyo  Somaliland, wuxuuna la mid yahay shirarka ay ku qabsadaan Muqdisho iyo Garoowe.

Somaliland iyo shir-guddoonka guurtida iyo wakiilladu waxay ku caddeeyeen in Somaliland diyaar u tahay xabbad joojin. Xukuumadda Somaliland waxay hore u aqbashay soo jeedinta Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka ee xabbad joojinta Tuka-raq, Iyadoo dhulkeedii 70Km gudaha loogu jiro lagulana dagaallamayo xadkeeda.

Ergadii Garoowe tagtay waxay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimid halkan.

- Advertisement -

Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ayey dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo ah gudaha Somaliland daan-daansi iyo duullaanna may qaadin, xad dal kalena kuma socdaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON