Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay xabsiga u taxaabeen wakiil wareedkii Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ee magaalada Baydhaba.
Ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa la sheegay inay galabta ka qabteen magaalada Baydhaba Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh oo ay xabsiga dhigeen, iyadoo aan la shaacin, sababta loo xiray iyo waxa lagu heysto.
Ciidamada ayaa la sheegay in wariyahaan ay ka xireen hotel uu ku sugnaa oo ku yaala bartamaha magaalada Baydhabo, iyadoo lagu xiray saldhiga Booliska magaalada Baydhaba.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo ku saabsan xariga Weriyaha VOA-da.