Thursday, October 10, 2024

Maamulka K/Galbeed oo shaqadii ka joojiyey Guddoomiyihii Afgooye iyo Arrinta sababtay

Maamulka K/Galbeed ayaa shaqadiika joojiyey Guddoomiyihii degmada Afgooye, kadib qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta K/Galbeed.

Qoraalk ayaa lagu caddeeyay in shaqadii laga joojiyey Guddoomiyaha Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose Mudane Abuukar Mohamed Cumar Muudeey, iyadoo sabab looga dhigay ku takri fal awoodeed, amar diido iyo iska horkeenka maamulka dhexdiisa.

Guddoomiyaha shaqada laga joojiyey degmada Afgooye Abuukar Maxamed Cumar ayaa dhowaan Maamul Cusub u Magacaabay Maamulkii degaanka Jasiira, isagoo xilalkii u kala wareejiyey shalay labadii maamul ee uu kala bedelay.

Ad

Arrintan ayaa waxaa ka hor yimid Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna dhalisay in shaqa joojin lagu sameeyo guddoomiyihii Afgooye.

Degmada Afgooye ayaa ah isha ugu weyn ee uu dhaqaale badan kasoo galo maamulka K/Galbeed, waxaana guud ahaan Gobolka Sh/Hoose ka taagan deganaasho la’aan dhinaca maamulka ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON