Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyey in shaqada Garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa ay si caadi ah socoto, iyadoo aanay wax saameyn ah ku yeelan xayiraadii ay kusoo rogtay xukuumadd Somalia.
Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay muuqaal muujianaya in diyaaro yar yar ay ka degayeen Garoonka, waxayna sheegtay inay maanta si caadi ah u shaqaynayeen dhamaan duulimaadyada caadiga ahaa ee gudaha iyo dibadda, laakiin waxaa arrintan barbar socday bannaanbaxyo uu canbaareyn looga looga horjeedo Go’aanka dowladda Somalia oo laga abaabulay magaalada Kismaayo.
War kasoo baxay Guddiga Amniga Jubbaland ayaa sidoo kale lagu sheegay inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dadka ree Jubbaland go’aankii ay ku sheegeen inay diyaaradaha ku socda ama ka baxaya Magaalada Kismaayo inay maraan Magaalada Muqdisho.
HOOS KA DAAWO