Maamulka Isbitaalka Xannaananda Hooyada iyo dhallaanka ee SOS ayaa ka hadlay war laga faafiyay isbitaalka oo ku saabsanaa in canug ku dhashay lagu xaday isbitaalkaasi Jicmihii shalay.
Agaasimaha Isbitaalka SOS Dr. Maxamed Macalin Dhaqane ayaa sheegay in arrintan ay soo gaartay, isla markaasina markii ay baareen arrinta ay ogaadeen in canuga ay qaadatay gabar la socotay Qoyska gabadha dhashay, isla markaasina aanu isbitaalka wax shaqo ah ku lahayn.
Agaasimaha wuxuu sheegay in haweeneyda iyadoo fool ah la keenay isbitaalka ayna ka socdeen, hooyada dhashay ninka qaba, walaasheed iyo gabadha kale ee hadda qaadatay canuga yar oo wiil ahaa, isagoo dhalan muddo 24 saacadood ah, waxaana uu caddeeyay in salaadii maqrib markii la aaday, gabadhaasi looga tegay canuga iyo haweeneyda dhashay, markaasina ay qaadatay canuga.
Aabaha dhalay wiilka la xaday oo lagu magacaabo Mustaf Maxamuud ayaa sheegay in isbitaalka uu dayac weyn ka jiro, isagoo caddeeyay inay jirtay gabar la joogtay oo aanay garaneyn, waxaana muuqata in kiiskan uu ku dhacay isku halleyn.