Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Maamulka Hirshabeelle uu xabsiga dhigay weriye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo u shaqeeqeeya telefishinka Universal.
Shir jara’id oo uu qabtay Wasiirka warfaafinta Hirshabeele Mahad Xasan Cismaan ayuu ka heegay in warar been abuur ah uu ka faafiyay talefishinka Universal maamulkooda, kuwaasoo ah in Madaxweynaha Hirshabeelle uu qaadacay ka qeybgalka shirka London.
Wuxuu sheegay in Madaxweynaha Hirshabelle uu ka qeybgalayo shirka London mana, isla markaana aanay jirin meel uu ku sheegay inuu shirkaasi qaadacay sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Hirshabeelle.
Wasiirka wuxuu ku eedeeyay weriyaha la xiray in looga digay joojinta wararka been abuurka ah ee uu ka faafinayo dowlad goboleedka Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa diiday qorshaha horumarinta Qaranka ee dowladda Soomaaliya oo lagu ansixinayo shirka London, balse uu tegayo shirka.
Goobjooge.com