Monday, February 17, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray Xarun Dhaqan-xumo iyo Goobo kale oo la fasaxay

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si kama danbeys ah Albaabada isugu laabay Xarun lagu eedeeyay inay ahayd Goob Dhaqan-xumo loo tago caasimadda Muqdisho, waxaana la fasaxay ilaa 10 xarumood oo kale oo dhowaan howlgal lagu qaaday ku xirmay.

Wakiilo ka socday ilaa 11 goobood oo uu saameyn ku yeeshay ololihii Daroogada iyo Dhaqan xumada caasimadda ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda maamulka Gobolka Banaadir, waxaana looga hadlay sida laga yeelayo Goobihii Ganacsi ee ku xirmay Howgalladii dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Kulanka dhex maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Ganacsatada laga xiray xarumihii lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen Maandooriyaha, kana socdeen dhaqan xumada ayaa lagu fasaxay 10 xarun oo hore u xirnaa.

Ad

Waxaa si kama danbeys ah loo xiray goob lagu magacaabo IFTIN VIP oo la sheegay inay tahay halis ah oo dhaqan xumo loo furtay, iyadoo dib loo fasaxay xarumihii kale oo ay ka mid yihiin Maqaayadaha Posh Treats iyo Ka sheekee Restaurant.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen ayaa sheegay inuu mamnuucay isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada, Taabuuga, Qamriga, Calaqa iyo Xashiishka, isagoo amray in xiliga habeenka waxii ka dambeeyay 12:00 aysan furnaan karin goobaha lagu caweeyo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON