Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in dekada Muqdisho laga soo dejiyo Gadiid cusub oo nooca Mooto Bajaaj loo yaqaan.
Wareegto kasoo abxay Xafiiska Gudoomiyaha G/banaadir ayaa lagu mamnuucay in Dekadda Muqdisho laga soo dejiyo Mootooyin cusub, waxaa kaloo la mamnuuucay in wadooyinka soo gala magaala Muqdisho laa soo galiyo Mootoooyinkaasi.
Arrintan ayaa lagu micneeyay inay sii kordheen cabashada dadweynaha iyo hay’addaha Amniga ay kasoo jeedinaayan Mooto Bajaajka oo si weyn u korortay, waxaana la sheegay inay mashquul xoogan ku haayan wadooyinka oo aad ay ugu badan yihiin mootooyinka bajaajta.