Sunday, December 8, 2024

Maamulka G/Banadir oo Laba qeyb ka dhigay Bajaajta Muqdisho iyo Bajaajley la xiray

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku adkeystay dhaqangelinta Go’aanka Golaha Wasirada Xukuumadda Federaalka ee kala qeybinta Mootooyinka Caasimadda ka shaqeeya ee Bajaajta loo yaqaan.

Waxaa maanta ka socday Xarunta Biyaaso Liibaro Buufinta Mootooyinka oo maamulka Gobolka Banaadir u xilsaaray Shirkad lacag ku qaadaneysa Buufinta Bajaajyada, waxaana GudDoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale amray in laga bilaabo Isniinta Berri uu dhaqan galayo go’aankii Bajaajyadaa loogu qeybiyey A iyo B.

Guddoomiyaha ayaa sheegay ciidamada Amniga ay u fasaxan yihiin iney marsiiyaan sharciga Mooto Bajaajkii u hogaansami waydao awaamiirtii lasoo saaray ee aan buufsaneyn, isagoo aan faahfaahin ka bixin, qaabka shaqada loogu kala qeybiyay Mootooyinka.

Ad

Waxaa Muqdisho lagu xiray xubnihii Guddiyada Bajaajleyda oo cabasho ka keenay go’aanka Mootooyinka loogu qeybinayo shaqada, waxaan sidoo kale la xiray Bajaajleyaal cabasho muujiyey, iyadoo weli ay taagan tahay diidmada qaar ka mida Mootooyinka ee ah inaysan u hoggaansami doonin go’aanka.

Arrinta ugu adag ee Bajaajleyda Muqdisho ka horjeesteen ayaa ah in 15 maalin oo kaliya ay shaqeyn doonaan, taasoo ay sheegeen inay halis ku tahay noloshooda iyo qoysaskooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON