Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo kordhiyey xilal la sheegay inay noqonayaan agaasimeyaal kuwaasoo u shaqeynaya sida gacan-yareyaal ay leyihiin Guddoomiye ku xigeenada G/Banaadir.
Waxaa wareegto lagu magacaabay 4 Agaasimayaal Guud oo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye kuxigeenada G/Banaadir. Waxayna agaasimayaasha Guud ee la magacaabay waxaa ka mida:Â Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda oo loo magacaabay C/fataax Cali Xasan, kasoo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.
Waxaa kaloo Agaasimaha Howlaha Guud loo magacaabay C/fataax Cumar Xalane oo hore u ahaa afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana laga qaaday xilka Afhayeen ee G/Banaadir, wuxuuna ka hoos ka shaqeyn doonaa Guddoomiye kuxigeenka ee howlaha guud Aadan Sheikh Cali Fidow oo muddooyinkan danbe go’doon ahaa, shaqooyinkiisiina lagala wareegay.
Agaasimeyaashan oo sida xogheyn u shaqeyn doona ayaan la ogeyn in guddoomiye ku xigeennada loo magacaabay ay raali ka yihiin ama lagala tashaday, waxayna u muuqdaan kuwo sii kordhinaya jahawareerkii ka jiray maamulka G/Banaadir.