Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa joojiyey diiwaan gelinta iyo ruqsad siinta shirkadaha FOREX-ka oo dood badan ka taagan tahay.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu mamnuucay bixinta ruqsada shirkadaha ka ganacsada sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Trading, iyadoo ruqsadihii ay horey u bixisay dowlada hoose Xamar ee la siiyay shirkadaha bixiya adeega sarifka lacagaha qalaad ee Forex Market Tranding go’aan laga gaari doono.
HOOS KA AKHRISO

Warar Xul ah