Maamulka Dekadda magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland ayaa beeniyay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar laga faafiyay oo sheegaya in Dekadda Kismaayo uu ka baxay Markab lagu magacaabo Diamond Sky oo lagu siday shixnad Dhuxul ah.
Markabkan oo laga leeyahay dalka Nepal, ayaa 13-kii bishan ku soo xirtay Dekadda Kismaayo, isagoo sida shixnad shamiinto ah, wuxuuna ka yimid dalka Iran, iyadoo la faafiyey inuu Dhuxul ka qaaday Dekadda Kismaayo.
Maareeyaha Dekadda Kismaayo Axmed Xaaji Aadan ayaa sheegay in aysan haba yaraatee wax shixnad dhuxul ah oo saarani jirin markabka, islamarkaana wararka la baahiyay ay yihiin kuwo been abuur ah.
Sidoo kale Ibraahim Xasan Xaaji oo wakiil ka ah shirkadda uu Markabkan u rarnaa ayaa been abuur ku tilmaamay xogta laga baahiyay markabka ee ah inuu dhuxul siday, waxaana markaba oo hadda taagan dekadda Kismaayo ku socda daabulidda Shamiintada.
Arrintan ayaa soo baxeysa iyadoo xeer ilaalinta dowladda Federaalka ay dalbatay in la soo xiro saddex ganacsade oo lagu eedeeyay inay dalka ka dhoofiyeen Dhuxul.
