Maamul Goboleedyada dalka ayaa qaadacay ka qeybgalka shirweyn ku saabsan Dastuurka oo Muqdisho ka dhacaya.
Shirkan oo ay qabanqaabisayu Wasaarada Dastuurka xukuumadda Soomaaliya ayaa loo qoondeeyay inuu magaalada Muqdisho ka dhaco 8-10-ka bishan Oktoobar, kasoo lagu casuumay maamullada dalka iyo marti sharaf kala duwan.
Wasaaradaha Dastuurka maamullada k/Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa si cad u shaaciyay inaysan ka qeyb galeynin shirkaasi oo beri ka furmaya magaalada Muqdisho, halka saddex maamul ee kale ay horeba u diideen shirka.
Arrintan ayaa sabab looga dhigay in maamullada aysan ka qeyb qaadan karin shirarka dowladda Federaalka inta laga xalinayo khilaafka kala dhaxeeya maamul Goboleedyada oo shir ku saabsan uu ka furmayo magaalada Kismaayo isla berri.
Waa jugtii ugu horeysay ee dowladda Federaalka kasoo gaarta is-maandhaafka ka dhashay arrinta khaliijka oo saameyn ku yeeshay xiriirka labada dhinac.