Maamulka Puntland ayaa amar culus kusoo rogay  Hoteellada ku yaalla degaannada uu ka taliyo Maamulkaas.
Wareegto kasoo baxday Wasaaradda Amniga Maamulka Puntland ayaa lagu amray in dhammaan Hoteellada aan lagu qaban karin shirar siyaasadeed. Ciidamada ammaanka Puntland ayaa lagu amray in ay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaayda Hoteellada ku yaalla Garoowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo Qardho.
Wararka ayaa sheegaya in amarkan looga hortegayo shirar lagu taageerayo sarkaalka ONLF oo dowladda Soomaaliya u dhiibtay Itoobiya.
Siyaasiga Cali Xaaji Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay amarkan, isagoo sheegay inuu ka soo horjeedo dastuurka maamulka Punmland iyo kan Federaalka.
AKHRISO WAREEGTO