Maxkamadda Sare ee Sacuudiga ayaa fartay dadweynaha dalkaasi inay raadiyaan dhalashada Bisha Shawaal (Soonfur) Maqribnimada Talaaladda Berri oo ku beegan 29-ka Ramadaan 1442.
Dadka Sacuudiga ayaa leh goobo laga raadiyo dhalashada Bisha, iyo guddi qaabilsan, waxaana goobaha qaarkood yaalla qalabka lagu eego cirka ee Telescope-ka loo yaqaan, iyadoo caado ka tahay dalkaasi in si wadar ah loo raadiyo dhalasha Bilaha siiba Shacbaanka, Ramadaanka iyo Shawaalka.
Waxaa Sacuudiga la mida inta badan dalalka islaamka oo Soomaliya ay ka mid tahay, kuwaasoo laga Bisha Soonfur raadinaya Maqribka Talaadada Berri oo ku beegan 11-ka May.
Waxaa jira dalal kale oo islaam ah kuwaasoo oo Ramadaanka bilaabay Arbacadii 14-ka April 2021, kuwaas oo bisha Shawaal raadinaya maqribka Arbacada, waxaana dalalkaasi ka mida: Brunei, India, Bangladesh, Pakistan, Iran, Cumaan, Marocco iyo qaar ka mida dalalka Afrikaanka ee aan Carabta ahayn, waxayna dalalkan Ciidu u noqoneysaa Khamiista ama Jimcaha.
Sanadkan waxaa la isugu khilaafay dhalashada Bishii Shacbaan. taasoo keenay in laba berri oo kala ah Talaado iyo Arbaco ay dalalka dunida Islaamka ay kala soomaan, waxaana dhinaca kale jira xarumo qaabilsan cilmiga xiddigista oo faallo ka bixiya suuragalnimada in bisha la arko iyo in kale.
Machadka caalamiga ah ee Xiddigiska, qeybtiisa Islaamiga ee qaabilsan la socodka Bisha ayaa shaaciyey inaysan suuragal ahayn Maqribka Talaaladda ee 11-ka May 2021 in la arko Bisha Shawaal ama Soonfur, iyadoo Dayaxu dhaci doono Qoraxda ka hor, sidaasina ay keeneyso in Ramadaanka la dhammeystiro Arbacadda oo 30 maalmood la buuxiyo, iyadoo ciidul firtiga ay ku beegan tahay Khamiis 13-ka May 2021 oo ah maalinta koowaad ee Bisha Soonfur (Shawaal).
Maqribnimada Arbacadda ee 30-ka maalmood ay soomeen dadka Islaamka intooda badan ayaa Bisha lagu arki karaa Telescope dalalka islaamka intooda badan, waxaa kaloo isha oo kaliya si dhib ah looga arki karaa dalalka Afrika, iyadoo dadka caadiga ah ay si fiican bisha u arki karaan dalalka Ameerikada Koonfureed iyo Waqooyi.
Waxaa la rajeynayaa in Maalinta Khamiista lagu midoobo Ciidul Fitriga sanadkan oo labada dhinac ee dunida islaamka ee kala soomay Talaaladda iyo Arbacadda ay wada ciidi doonaan Khamiista oo ku beegan 13-ka May 2021. Insha Allaah.
