Bisha Shacbaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda oo inta badan dalalka Islaamka u bilaabatay Jimce 4 Maarso 2022 ayaa lagu in wadaa in aragtida Bisha barakeysan ee Ramadaan la raadiyo Maqribka Jimcaha ee 29 Shacbaan oo ku beegan 01 April 2022.
Sida ay xaqiijiyeen culimda Fiisigista iyo Xiddigiska waxaan suuragal noqon doonin maqribka Jimcaha ee 1-da April in Indhaha kaliya lagu arko guud ahan dallaka Islaamka, meelaha qaarkood sida Galbeedka Afrika si aad u dhib badan loogu arki karo Qalabka Telescope-ka.
Arrintan waxaa ugu wacan iyadoo ay isku xirmayaan ama hal mar oo wax badan u dhaxeyn ay isla dhacaayaan Qoraxda iyo Bisha, tasoo ah xaalad aanay dadka caadiga ah ishooda ku arki karin, marka xaaladaasi dhacdo waxay u badan tahay oo Dhaqanku yahay in inta badan dalalka caalamka Islaamka ay ku dhawaaqaan curashada bisha Ramadaan maalinta xigta ee Sabtida oo ku beegan April 02, iyadoo shacbaanku markaas noqon doono 30 maalmood.
Dalalka Islaamka ee ku sooma aragtida tooska ee in Bisha ndhaha dadka lagu arko kaliya ama shardi ka dhigta in dalkaasi gudihiisa laga arko, kuwaasoo ah dalal yar waxaa la filayaa in bisha barakeysan ee Ramadaan ay bilaabato maalinta Axada ah ee April 03.
Marka la eego halka uu ku beegan yahay Bisha maalinta Jimcaha ee April 01, magaalooyinka Carabta iyo Islaamka qaarkood, xisaabaadka dusha sare ee bisha markay qorraxdu dhacdo waa sidan:
Jakarta, Indonesia: Dayaxu wuxuu dhacayaa 11 daqiiqo ka dib qorrax dhaca, da’diisuna waa 03 saacadood iyo 43 daqiiqo.
Abu Dhabi, UAE: Dayaxu wuxuu dhacaa 14 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 09 saacadood iyo 5 daqiiqo.
Maka Al-mukarrama: Dayaxu wuxuu dhacaa 17 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 10 saacadood iyo 25 daqiiqo.
Cammaan iyo Qudus: Dayaxu wuxuu dhacaa 16 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 10 saacadood iyo 34 daqiiqo.
Magaalada Qaahira: Dayaxu wuxuu dhacaa 17 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 10 saacadood iyo 54 daqiiqo.
Khartoum: Dayaxu wuxuu dhacaa 18 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 11 saacadood iyo 05 daqiiqo.
Rabat, Maroco: Dayaxu wuxuu dhacaa 23 daqiiqo kadib qorrax dhaca, da’diisuna waa 13 saacadood iyo 22 daqiiqo.
Dhammaan in dadku indhahooda ku arkaan Bisha Ramadaan suurtagal maaha, xitaa haddii la istixmaalo telescope.
Si ad u ogaato macnahaxmacnaha tirooyinkan, waxaa xusid mudan in muddada ugu yar ee bisha bisha dhalata lagu arki karo indhaha dadka ay tahay 29 daqiiqo, jiritaanka bisha isha caadiga lagu akri karana waa 15 saac iyo 33 daqiiqo.
Waxaan warbixintan kasoo xiganay: Xarunta Cilmi-baarista Cirka ee Caalamiga oo la aasaasay sannadkii 1998-kii, xarunteeduna tahay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo ay ka howlgalaan. AD oo ay 1500 oo xubnood oo saynisyahano ah iyo kuwa danaynaya ilaalinta dayaxa cusub iyo xisaabinta jadwalka.
