Saturday, April 19, 2025

Ma la xiray mise waa la afduubtay Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow..? (Akhriso sidii Gurigiisa looga watay)

Xalay xilli danbe ayey ciidamada Nabadsugidda dowladda Soomaaliya gurigiisa kala baxen Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow, kadibna ay si xoog leh u jebiyeen albaabka, gudahana ugu galeen, iyagoo halkaasi kaxeystay.

Fartuun Kulmiye Caddow oo la dhalatay weriyaha ayaa sheegtay inay xalay xilli danbe ay ciidamada albaabka ku soo jebiyeen, ayna aragagax geliyeen reerka oo ay ku jireen caruurta yaryar iyo hooyadii, ayna u sheegeen inay dilayaan, kadibna kaxeysteen, iyagoo aanay ogeyn halka ay la aadeen.

Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo ka mida madaxda Idaaadda Kulmiye ayaa sheegay in falkaasi uu yahay sharci darro, kana horjeedo sharciga saxaafadda, wuxuuna intaas ku daray inuu ku xiran yahay xabsiga NISA ee Godka Jilacow.

Ad

Weriye C/llaahi Kulmiye ayaa la sheegay in loo heysto wareysi uu la yeeshay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageero u muuiyey kooxda Alshabaab, si weyn uga horjeeda ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan.

In xilliyada danbe ee habeenkii Guryahooda loogu dhaco dadka oo sidaasi lagu kaxeysto ayaa la sheegay inay tahay afduub, sida ay baahisay Idaacada uu ka tirsanaa, iyadoo Hay’adda NISA ay habeen ka hor sidaasi u kaxeysatay Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ah nin waayeel ah oo ka mida dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Sharciga saxaafadda iyo xeerka Habka Ciqaabta XHCS ayaa si cad u diidaya in weriye la iska xirto amar maxkamad la’aan ama amarka maxkamadda kadib in habeennimo guryaha loogu dhaco hadii aanay jirin xaalad halis ah.

- Advertisement -

Hay’adda NISA oo shaqadeeda ugu weyni tahay sugidda Amniga ka hortagga caddowga gudaha iyo dibadda ayaa loo adeegnayaa dadka shacbak ah, iyadoo halista Alshabaab ay meel kasta ka jirto, taasoo qeyb ka ah sida loo marin habaabiyey shaqadii Hay’adaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON