Nin Soomaali ah ayaa lagu xukumay in uu xabsi daa’in ku qaato dalka Talyaaniga, ka dib markii lagu helay in uu dil iyo jirdil u gaystay dad badan oo tahriibeyaal ah oo ku sugnaa dalka Liibiya.
Cosmaan Maxamed oo 22 jir ah ayaa la xiray sannadkii hore, ka dib markii si nasiib ah loo aqoonsaday isaga oo iska maraya magaalada Milan.
Dad goobjoogeyaal ahaa ayaa sheegay in uu dad ku dilay jir dil, kuwa kalana uu biyaha iyo baadka u diiday ilaa ay ka dhinteen markii dambe.
Tahriibayaasha dalalka Saxaraha ka hooseeya ayaa badanaa wakhti dheer ku qaata goobo ku yaalla dalka Liibiya, iyaga oo halkaas ku suga lacago ay ka soo dabo diraan ehelladooda si ay u siiyaan dadka wax u tahriibiya qaaradda Yurub.