Kulan dadweyne oo xalay ka dhacay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa madaxweyen Xasan Sheekh Maxamuud lagu weydiiyay su’aalo furan oo ku saabsan xaaladda dalka, Dastuurka iyo ku biirista Suuqa Bariga Afrika.
Kulanka oo baahintiisa ay qaadaceen Telefishanada caanka ah ayaa laga baahiyay warbaahinta dowladda, waxaana uu Madaxweynaha Madaxweynaha wajahay su’aalo adag oo ku saabsan sida uu u doonayo in Dastuurka loo bedelo.
Su’aashii ugu adkeyd waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh weydiiyay Wasiirkii hore ee Batroolka Maxamed Mukhtaar oo u sheegay in Fikradihii uu diyaariyay Baarlamaankii hore oo kala doorasho ahaa nidaamka dowladda aanay ku jirin ‘Laba xisbi’ taasina ay tahay mid uu jeebka kala soo baxay Madaxweynaha.
Xasan Sheekh ayaa iska difaacay jawaabtaasi wuxuuna go’aanka ah in Laba xisbi uu yeesho dalka dusha u saaray Madasha Wadatashiga Qaran, isagoo aan wax faafhaahin ah bixin, wuxuuna ka gaabsaday su’aal kale oo ku saabsan waxa ka fulay heshiiskii Madasha oo aan ka ahayn Muddo u kordhinta madaxda Maamul Goboleedyada.