Waxaa Galabta magaalada Kismaayo looga dhawaaqay Liiska xildhibaannada cusub ee Barlamaanka Jubbaland oo ay soo xuleen odayaasha Beelaha, ayna dhaaciyeen Guddiga Xuduudaha doorashada Jubbaland.
Waxaa maalmo kooban lagu soo dhammeystiray magacaabista 75-kii Xildhibaan Baarlamaanka Jubaland. Xildhibananada Baarlamaanka saddexaad ee la shaaciyay ayaa u badan xildhibaannadii hore oo dib u soo laabtay.
Qaabka loo soo magacaabay xildhibaannada cusub ayaa ahaa in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Jubbaland ee maamulku aqoonsan yahay ay soo qoreen xildhibaanada, una gudbiyeen Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe.
Nidamaka xulista ayaa ka heer hooseysa, qaabkii lagu soo xulay Baarlamaankii labaad ee Jubbaland oo ahaa in 3 musharax mid laga dhex xusho, waxaana xilligaasi guddoomiyaha Doorashada Jubbaland Ahaa Xamse Cabdi Barre.
Isla Galabta waxaa Guddoon u noqday Baarlamaanka cusub ee Jubbaland Xildhibaankii ugu da’da weynaa oo la wareegay howsha, iyadoo loo ballansan yahay in si degdega loo qabanqaabiyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Jubbaland.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBANNADA JUBBALAND.