Waxaa maanta ka dhaceysa dalka Kenya xafladda Caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Ruto oo doorashadii 9-ka Ogost 2022 kusoo baxay, markii ay go’aamisay Maxkamadda Sare ee dalkaasi.
Xafladda caleemo saarka ee lagu dhaarinayo madaxweynaha 5-aad ee Jamhuuriyadda Kenya William Samoei Ruto ayaa waxaa ka qeyb galaya madax Afrikaan iyo kuwa caalamka ka socda iyo dadweyne gaaraya ilaa 80,000 oo qof.
Garoonka Kasarani ee munaasabadu ka dhaceyso ayaa xilli hore buuxsamay, waxaynad dadku sii tageen inta aanu waagu baryin, taasoo keenay in Booliska ay dadka ku wargeliyaan inay inaan Garoonka.
Liiska madax kala ah madaxweynayaal iyo ra’iisal wasaareyaasha dalalka ka qeyb galaya xafladda ayaa gaaray 20 waddan oo hadda ku sugan magaalada Nairobi, waxayna kala yihiin:
- Seychelles
- Tanzania
- Soomaaliya
- Eswatini
- Chad
- Mozambique
- Jamhuuriyadda Saharawi
- Zimbabwe
- Siiraaliyoon
- DRC
- Komoros
- Itoobiya
- Guinea Bissau
- Malawi
- Burundi
- Uganda
- Kongo
- Jabuuti
- Rwanda
- Koonfurta Suudaan
Waxaa kaloo xafladda ka qeyb galaya wakiilo ka socda dalalka caalamka, sida Mareykanka, wasiirka Afrika ee UK, safiiro iyo madax kale.

