Tuesday, May 20, 2025

Liiska Golaha Wasiirada Puntland ee la magacaabay iyo Wasiirka ugu hadal heynta badan

Madaxweynaha Puntland ee mar labaad xilka loo doortay ayaa ku dhawaaqay Golihiisa cusub ee Wasiirada oo ku qaatay muddo laba bilood ah, waxaana ka dhex muuqda wasiiradii hore oo qaar muhiim ah dib loo soo celiyay iyo musharax xil wasiir loo magacaabay.

Liiska xubnaha Golaha Wasiirada Puntland waxay magacyadoodu kala yihiin:

1. Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta waxaa loo magacaabay Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo hore xilkan u hayay.

Ad

2. Wasiirka Amniga iyo DDR-ta ayaa mar kale loo magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil Xaaji Bakiin oo hore xilkan u hayay.

3. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa mar kale loo magacaabay Cabdi Faarax Siciid Juxa oo hore xilkan u hayay.

4. Wasiirka Maaliyadda ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Maxamuud.

- Advertisement -

5. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta ayaa loo magacaabay Daa’uud Maxamed Cumar

6. Wasiirka Waxbarashada ayaa loo magacaabay Fu’aad Abshir Axmed Adeer.

7. Wasiirka Caafimaadka ayaa loo magacaabay Siciid Jaamac Cali (Qoorsheel).

8. Wasiirka Hawlaha guud iyo gaadiidka ayaa loo magacaabay Faarax Cawad Jaamac.

- Advertisement -

9. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha ayaa loo magacaabay Shaakir Maxamed Guuleed.

10. Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada ayaa loo magacaabay Cabdullaahi Bile Nuur.

11. Wasiirka Haweenka ayaa loo magacaabay marwo Maryan Axmed Cali.

12. Wasiirka Warfaafinta ayaa loo magacaabay Maxamuud Caydiid Dirir.

13. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa loo magacaabay Axmed Shire Siciid.

14. Wasiirka Xannaanada Xoolaha ayaa loo magacaabay Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux.

15. Wasiirka Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Faroole.

16. Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa loo magacaabay Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa.

17. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa loo magacaabay Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle Habar-waa.

18. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha ayaa loo magacaabay Liibaan Muuse Cismaan

19. Wasiirka Gargaarka ayaa loo magacaabay Ubax Cabdirashiid Maxamed Xirsi.

20. Wasiirka Beeraha ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Saalax.

21. Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa loo magacaabay Hodon Siciid Xasan.

Kadib ku dhawaaqistii Golaha cusub ee Wasiirada Puntland waxaa hadal heyn ka dhalatay xubnaha ku cusub wasiirada, siiba wasiirka cusub ee Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, Maxamed C/raxmaan Faroole oo ka mid ahaa musharixiinta la tartamayay Siciid Deni, isla markaana ka tirsanaa mucaaradka ugu weyn ee maamulkii Deni.

Xilka wasaaradeed ee loo magacaabay iyo mucaaradnimadiisa ayaa si weyn dood uga dhaliyay Baraha bulshada, waxayna dadka qaarkood u dhigeen inuu xil uun raadinayay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON