Xildhibaanno gaaraya 72 oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ka hor yimid Xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee maanta la ansixiyey, waxayna sheegeen inuu sharci darro yahay xeerkaasi oo baal marsan yahay Dastuurka.
Shir jaraa’id oo ay magaalada Muqdisho ku qabtaan ila 10 xildhibaan ayaa laga soo saaray qoraalka lagu diiday metalaadda Gobolka Banaadir, waxayna ku eedeeyeen Guddoonka Golaha Shacabka inuu Dano gaara ka lahaa Xeerka.
Xildhibaannada ayaa ku doodaya in Xeerarka Mealaadda G/banaadir uu baalmarsan yahay qodobada dastuurka ee 79-aad, 82-aad iyo 83-aad ee dastuurka. Haddii la rabo in kuraasta aqalka sare la kordhiyo ay tahay in wax laga bedelo qodobka 72-aad ee dastuurka.
Xildhibanadan oo gaaraya 72 ayaa u badan kuwa kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland, waxaana ku jira xubno kasoo jeeda K/Galbeed, iyadoo ay ka dhex muuqda wasiiro ka tirsan xukuumadda oo saaxiib dhow la ah Madaxweyne Farmaajo sida: Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan Warsame, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Sadiiiq Xersi Warfaa.

Akhriso: Liiska Xildhibaannada




