Saturday, April 19, 2025

Libaax ku baxsaday magaalada Hargeysa oo argagax dhaliyay iyo Haweeney uu dhaawacay

Waxaa magaalada Hargeysa xalay fiidkii ku baxsaday midka mida Libxaaxyo uu leeyahay wasiir hore Cali Warran-cadde oo lagu xannaaneyn jiray xaafada New Hargaysa.

Libaaxa baxsaday oo dadka magaalada Hargeysa looga digay ayaa dhaawac u geystay haweeney Oromo ah oo uu ka dhaawacay Madaxa, Qoorta iyo Qaarka danbe, waxaana la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa oo lagula tacaalayo.

Booliska iyo ciidamada kale ayaa raadinaya Libaaxa ku dhex baxsaday magaalada Hargeysa, waxaana dadka loo sheegay inay guryahooda ku ekaadaan oo ay is ilaaliyaan.

Ad

Booliska magaalada Hargeysa oo ayaa saaka toogasho ku dilay libaaxa baxsaday; waxaana uu dhaawacay laba qof intii uu baxsadka ahaa, iyadoo arrintan si weyn looga hadal hayey magaalada Hargeysa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON