Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo xalay u dabaaldegay sanadguuradii 4-aad ee markii uu xilka qabtay ayaa ka hadlay muddo kordhinta sanadka ah ee maanta u bilaabatay.
Madaxweyne C/casiis Laftagareen ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay ku timid muddo kordhinta loo sameeyay, taasoo uu sheegay inay ahayd arrin ka timid Baarlamaanka K/Galbeed, isaguna aanu codsan wax shaqo ahna ku lahayn.
“Mas’uuliyadda muddo kordhinta waxaa iska leh Baarlamaanka.. Maalinta Berrito ah wixii ay Baarlamaanka K/Galbeed ka qabaan ayaan ka qabaa.. Shalay Habkii la maray ayey u baahan tahay in la maro haddii la rabo in la iska daayo.. Wax aan ka qabo ma laha, shalay aniga ma codsanin, xildhibaannadaa keenay.. Nin ama qof xanaaqsan sharciyadeena iyo dowladnimada waxba kama bedeli karo..” ayuu si kulul u yiri C/casiis Lafta-gareen.
Lafta-gareen wuxuu ka digay in dib loogu laabto qalalaasihii dalka ka dhacay 2020/2021 oo la sameeyo ciidamo Badbaado oo K/Galbeed ah, taasoo uu ku tilmaamay in K/Galbeed loo soo minguuriyo dhaqankii loolankii doorashada Soomaaliya.
Isagoo u jawaabay, xubno mucaarad ku ah oo Muqdisho ka hadlay ayuu ku tilmaamay inaysan K/Galbeed ka shaqeynin Midow Musharixiin iyo Badbaado K/Galbeed. “Haddii ay wax badbadinayaan waa inay Alshabaab dadka ka badbaadiyeen, diyaar ayaan u nahay inuu xilka ku wareejiyo marka ay Alshabaab ka qabsadaan Tuulada ugu horeysa”.”
Madaxweynaha K/Galbeed ayaa ku dheeraaday waxqabadkiisa afartii sano ee uu xilka joogay, isagoo sheegay mashaariic tiro badan oo laga hirgeliyey degaanada K/Galbeed iyo horumarka uu gaarsiiyey maamulka.