Tuesday, May 20, 2025

Lafta-gareen oo ka hor yimid Jadwalka Guddiga FEIT iyo u yeerista Xildhibaannada cusub

Madaxweynaha Koonfur Galbeed: “Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga FEIT wax kaalin ah kuma laha u yeerista iyo dhaarinta Xildhibaannada”

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ayaa ka hor yimid jadwal ay soo saareen Guddiga Doorashada Heer Federaal ee FEIT oo loogu yeeray xildhibaannada Baarlamaanka cusub, laguna shaaciyey xilliga la dhaarinayo (Halkan ka Akhriso).

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha K/Galbeed ayaa lagu yiri: “Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqalka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Ad

Lafta-gareen ayaa Warqadda ksoo baxday Guddiga FEIT ku tilmaamay inaysan ahayn mid dhaqangal ah. “Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir”.

Wuxuu weerar toos ah ku qaaday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, isagoo sheegay inaysan wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay.

Lafta-gareen ayaa ku dooday in u yeerista xildhibaannada ay tahay waajibaad uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10-aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON