Madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa isku shaandheyn iyo magacaabiis cusub ku sameeyay Golaha wasiirrada maamulkiisa, kadib wareegto uu soo saaray.
Wasiirada la isku bedelay iyo qaar xilalkii laga qaaday ayaa ka dhex muuqday Liiska 11- wasiir oo isbedel lagu sameeyay, waxaana Warbaahinta u akhriyay wareegtada afhayeenka Madaxtooyada K/Galbeed.
WASIIRADA LA MAGACAABAY WAXAY KALA YIHIIN:
1. Ibraahim Cali Aadan Najax, Wasiirka caddaaladda iyo Garsoorka
2. Xasan Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Amniga gudaha
3. Nasro Aweys Sheekh Xuseen, Wasiirka Haweenka iyo Xuquul Insaanka
4. Mustaf Maxamed Iidow, Wasiirka Waxbarashada , Hidaha iyo Tacliinta Sare
5. Isaaq Cali Subad , Wasiirka Beeraha
6. Cali Sheekh Cabdullaahi (Sheekh Afgooye) , Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda
7. Maxamed Istaaq Cali Ibraahim , Wasiirka Macdanta iyo Batroolka
8. Saciid Axmed Cali Cumar , Wasiirka Dastuurka
9. Cabdifatax Maxamed Cali Abaroone , Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda
10. Eng. Diini Cabdinuur Maxamed , Wasiirka Bay’ada iyo Isbeddelka Cimilada
11. Nuur Siidow Baaba , Wasiirka Diinta iyo Awqaafta
WASIIRU DOWLEYAASHA:
1. Dr. Maxamed Ibraahim Nuur Wasiiru Dawlaha madaxtooyadda Koonfurgalbeed
WASIIR KU XIGEENADA:
1.Maxamed Xuseen Xasan (Caddaawe), Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka
2.Maxamed Qeys Xasan, Wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
3. Cumar Daaud Khaliif, Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo Batroolka