Sunday, April 27, 2025

Lafta-gareen oo Eedeyn yaab leh u jeediyay Xubnaha Beeshiisa ee ku jira Alshabaab

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa si kulul uga hadlay kooxda Al-Shabaab oo xilligan go’doon ku heysa magaalada Baydhaba, isagoo Beelo u kala saaray xubnaha Alshabaab.

C/casiis Lafta-gareen oo maanta ka hadlayay shirkii Golaha Wasiirrada ee maamulkiisa ayaa sheegay in xubnaha Shabaab ee kasoo jeeda Beeshiisa Raxanweyn ay yihiin kuwa ugu xun, ugu xaasidsan uguna daciifsan, isagoo ku tilmaamay Daanyeero.

“Shabaabka Raxanweyn- Waxay rabaan in hooyadood iyo caruurtooda inta joogaan oo nin kale oo Soomaaliyeed uu ku qanciyo in la cunaqabateeyo, iyagana ay ku qanceen oo raali ka noqdeen” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen oo ku dooday in Shabaabka beelaha kale ay diidaan in degaanadooda la go’doomiyo.

Ad

“Dadkii ugu daciifsana ayaa noo tegay Al-Shabaab… Shabaabka Degaankeena u dhashay ayaa ugu xun oo ugu xaasidsan oo ugu caqli yar oo ugua Daayeersan.. Nin lagu qancinaayo hooyada iyo aabaha waa la go’doominayaa, hooyadey iyo aabaheyna lama go’doominayo oo aan Raxanweyn lagama helayo Soomaali ama Shabaab.” ayuu yiri Lafta gareen.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON