Wednesday, February 19, 2025

Labada Aqal ee Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Miisaaniyad Xukuumad la’aan ah

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta yeelanaya kulan wadajir ah, kaasoo la sheegay in looga doodayo Miisaaniyadda sanadkan 2022 ee Dowladda Soomaaliya.

Kulankan oo loogu yeeray xildhibaannada ayaa farriin shalay loo diray loogu sheegay in ajendaha kulanka wadajirka ah uu yahay: “Akhrinta kowaad ee Miisaaniyadda 2022”.

Miisaaniyaddan ayey ahayd inay xukuumadda cusub soo diyaariso, laakiin doorashada oo dib u dhacday ayaa keentay in xukuumaddii xilgaarsiinta ay meel mariso miisaaniyad 3 biloodle ah, kadibna markii waqtigu dib usii dhacay ayey noqotay in isla xukuumadii xilgaarsiinta ay ansixiso Miisaayadda 2022.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli magacaabin Ra’iisal wasaare, waxaana muuqata in Miisaaniyadda 2022 ay noqon doonto mid mar kale dib loogu soo celiyo Baarlamaanka, kadib marka xukuumadda cusub la dhiso.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON