Laba xildhibaan oo ka mida kuwii ugu caansanaa xisbiyada ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay xisbiyada UPD iyo Himilo Qaran iyo Madasha Xisbiyada Qaran.
Xidhibaan C/fataax Ismaaciil Daahir oo ka mid ahaa xildhibaannada ugu afka dheer ee mucaaradka ayaa qoraalka is-casilaadiisa u diray Guddoomiyaha Xisbiga UPD Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku sheegay inuu iska casilay xilkii guddoomiye ku xigeen iyo xubinnimadii xisbiga UPD.
Qoraal uu Twitter-kiisa ku soo qoray ayuu xildhibaan C/fataax ku sheegay inaysan waxba iska bedeli doonin sidii uu mucaaradka ugu ahaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, isla markaana uu halgami doono sidii ay Soomaaliya u heli lahayd nabad iyo hoggaan ka wanaagsan ka hadda jira.
Sidoo kale waxaa iska xubinimadii xisbiga Himilo Qaran iska casilay xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo hore u soo noqday wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, wuxuuna qoraalka istiqaaladiisa u gudbiyey guddoomiyaha Xisbiga Humilo Shariif Sheekh Axmed.
Labada xildhibaan wax faahfaahin ah kama bixin sababta keentay is-casilaadooda; laakiin Goobjooge.net ayaa ogaatay inay isu casileen markii madaxda Madasha qaran ay ku diideen qorshe ay wateen oo ku saabsan Guddiga diyaarinaya xeerarka raacsan Sharciga Doorashooyinka ee dhowaan guddoonka labada aqal ay magacaabeen.
Arrintan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo shirka madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore uga socdo dalka Turkiga la filayo in isbedel ku yimaado hoggaanka Madashaasi, waxayna labadan xildhibaan kasoo jeedaan Gobollada Waqooyi Galbeed iyo kuwo oo ka baxa xisbiyadan jug weyn ku tahay Madaxweynayaashii hore.
