Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in saaka Dil toogasho ah lagu fuliyey laba ka mida saddexdii eedeysane ee dil-sugayaasha ahaa oo lagu helay kiiskii kufsiga iyo dilka ee ay kula kaceen marxuumad Caa’isha Ilyaas Aadan oo bishii February ee 2019 ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Dil-sugayaasha la toogtay waxay kala yihiin: C/fitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, waxayna toogasho saaka ka dhacay goob ku taalla magaalada Boosaaso. Wararka ayaa sheegaya in toogashada eedeysanihii saddexaad Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame dib loo dhigay.
Dil-sugaha saddexaad ayaa wararka soo baxay ay sheegayaan in muddo 10 maalmood ah dib loo dhigay dilkiisa, markii uu codsaday aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas Aaden, mana jirto faahfaahin arrintan laga bixiyey, iyadoo aanay caddeyn awoodda iyo qaabka loo joojiyey dilkiisa ama dib loogu dhigay.
Maxkamadda Derajada kowaad ee gobolka Nugaal ayaa Dil toogasho ah ku xukuntay 12-ki May 2019, kaasoo ay ku raacday maxkamadda Rafcaanka 30-kii June 2019.Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ee Puntland ay isla xukuntii dilka ahaa ku xukuntay 25-kii August 2019.
24-kii February 2019 Caa’isha Ilyaas Aaden oo da’deeda lagu sheegay 12-sano jir, kufsi wadareed iyo dil fool xun loogu geystay magaalada Gaalkacyo, iyadoo 25-kii February 2019 meydkeeda laga helay meel u dhow gurigooda.
Aabaha dhalau Caa’isha Ilyaas ayaa ka hadlay qaabka dilka qisaasta ah u dhacay iyo sida looga reebay dil-sugaha saddexaad. (HALKAN KA AKHRISO)