Labada Gabdhood oo da’doodu tahay  20-jiro ah ayaa la sheegay in la waayey maalintii Arbacadda, kadib, markii ay ka soo laabteen Dugsi ku yaalla Xaafadda South C ee magaaladda Nairobi, dalka Kenya. Fiidnimaddii Axadda ee la soo dhaafay ayaa labada gabdhood ee Salwa Cabdalla iyo Tawfiiqa Daahir  la sheegay inay la soo xiriireen qaar ka mida eheladooda, una sheegeen inay ku sugan yihiin gudaha dalka Siiriya.
Mid ka mid ah Gabdhahaasi oo aaladda aada-sheekeysiga Bulshadda kula xiriirtay ehelkeeda ayaa u sheegtay inay ka gudbeen xuduudka dalka Siiriya, sida ay qortay jariirada kasoo baxda dalka Standarad.
Hooyada Raxma Aadan oo dhashay Towfiiqa Daahir ayaa sheegtay inay ka walaacsan yihiin inay gabdhahaasi ku biireen Kooxda Daacish. Raxma oo ku sugan Mandheera la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay inay gabadheeda maalin kasta la hadli jirtay, balse aysan la hadlin wixii ka dambeeyey Arbacadii la soo dhaafay oo ah maalintii ay labada gabdhooda u safreen dalka Siiriya.
Sidoo kale, Hooyo Khadija Abdalla oo dhashay Salma Abdalla, ayaa u sheegtay Wargeyska The Standard inay gabadheeda ahayd qof aan socod badnayn, xitaa ma aadi jirin goobaha laga soo dukaamaysto. Waaxda Boliska Kenya ugu qaabilsan La-dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisadda (ATPU) ayaa rajo ka muujiyey in la heli doono labada gabdhoodLabada gabdhood ee ku biiray Dagaalamayaasha Daacish.
Salma Abdalla iyo Towfiiqa Dahir waxay ahaayeen ardayda dhigata JaamacaddahaThe University of Nairobiiyo JamaacaddaKenyatta University. waxayna lahaayeen mustaqbal wanaagsan. waana gabdhihii ugu horeeyay ee Kenyan ah oo Daacish u gala.
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]