Laacibk Kubadda Cagta caanka ku ah ee kasoo jeeda dalka, asalkiisuna yahay Turkiga Mesut Ozil oo u ciyaara kooxda Arsenal ayaa deeq afurin ah bishan Ramadaan siiyey dad isugu jira Soomaali iyo Syrian.
Wuxuu Mesut Ozil kafaalo qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Afur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu siiyey Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga oo ka howl gasha Soomaaliya.
Mesut Ozil ayaa caddeeyey in deeqda uu bixiyay lagu quudin dooni Qoysas oo Soomaali iyo Siiriyaan ah, waxaana uu tilmaamay in ay dadkaan ku kala nool yihiin dalalka Somalia iyo Syria , gaar ahaan Qoysas Soomaaliyeed danyar ah oo ku sugan Magaalada Muqdisho.
Mesut Ozil oo ah 31-sano jir ayaa ah ciyaaryahan u dooda Muslimiinta oo taageero dadka muslimiinta ah una dooda xuquuqdooda.