Sunday, March 16, 2025

La-taliyihii Madaxweyne Waare ee arrimaha Haweenka oo ku geeriyootay Doontii Beledweyne & Dad weli la’ yahay

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in dad dhowr ah la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen Doontii saaka ku qalibantay gudaha magaalada oo Daadad ay qarqiyeen xilli ay ku socdeen degaanka Ceeljaalle oo ay u barakaceen dadka magaalada.

Dadka ku dhintay Doonta ee la xaqiijiyey waxaa ka mida la-taliyihii madaxweynaha Hirshabeelle ee arrimaha haweenka Dahabo Xasan Axmed, waxaa kaloo geeriyooday dad kale oo Doonta la socday, kuwaasoo weli la raadinayo qaarkoodna rajo laga qabo in nolol lagu helo, iyadoo Doonta ay ka badbaadeen duqa magaalada Beledweyne Safiyo Sheekh Cali Jimcale iyo guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Dadka doonta la socday ayaa intooda badan shalay gaaray magaalada Beledweyne iyadoo ka tegay caasimadda Muqdisho, waxayna wadeen howlo gargaar ah iyo kormeer dadka ka barakacay magaalada ee ku sugan degaanka Ceeljaalle.

Ad

Gurmad ayaa ka socda magaalada Beledweyne, iyadoo uu xirmay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi kadib roob xoog leh oo xalay da’ay, waxaana diyaarado helikobtar ah ay u dirtay Q/Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON