Friday, March 28, 2025

La-taliyihii Gaarka ahaa ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo shaqadii isaga tegay (Akhriso)

La-taliyihii gaarka ahaa ee Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cabi Xariir Baaruud ayaa isaga tegay shaqadii uu ka hayey xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Qoraal kooban oo uu boggiisa Twitter-ka so dhigay ayuu Cabdi Baaruud ku macsalaameeyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu wax badan ka bartay intii uu xafiiska joogay, shaqdiyaadku isbedelaan, laakiin Hay’addu ay mar waliba hareyso, sida uu yiri, isagoo aan faahfaahin ka bixin sababta uu shaqada uga tegay.

Cabdi Baaruud oo ka mid ahaa la-taliyeyaashii Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheryre ayaa ugu danbeeyay mas’uuliyiintii la shaqeyneysay Kheyre ee xilalkooda iska casilay, kadib markii uu xilka banneeyay Ra’iisal wasaarihii hore, waxaana weerar uga yimid madaxtooyada Soomaaliya oo dooneysay inay xafiiskaasi ka nadiifiso mas’uuliyiintii u dhowaa Xasan Cali Kheyre.

Ad

Wararka ayaa sheegay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble u damcay inuu xafiiskiisa ka wareejiyo La-taliyihii gaarka ahaa ee xafiiska Ra’iisal wasaaraha Cabdi Baaruud, taasoo keentay inuu qaato go’aan uu shaqada uga tegayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON