Sunday, April 27, 2025

La-taliyihii Farmaajo oo si toos ah u taageeray Alshabaab (Wasiir u jawaabay iyo Falcelin)

La-taliyihii Amniga Qaranka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo sidoo kale soo noqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ninka lagu magacaabo ayaa muran weyn ka dhaliyey Baraha Bulshada kadib markii dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay Alshabaab xilka u banneyso si ay ula dagaalamaan Itoobiya.

Cabdi-Saciid Muuse oo wareysi siiyay BBCSomali ayaa si cad u sheegay in cidda kaliya ee la dagaalami karta Itoobiya ay tahay Alshabaab, dowladda Soomaaliyana ay tahay mid taag darran oo aan xitaa qaadan karin go’aano adag.

Cabdi-saciid ayaa ku dooday in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu yahay nin Mayal-adag oo xagjir ah, isla markaana cidda ka hortegi karta oo la mida ay tahay Alshabaab, sidaas darteedna uu ku talinayo in Alshabaab meesha loo banneeyo sida uu yiri.

Ad

Siyaasiyiin iyo dadkii ugu badnaa ayaa naqdiyey Wasiirka hore, waxayna tilmaameen in hadalkiisa uu caddeyn u yahay isku-milanka kooxdii Farmaajo iyo Alshabaab oo hadda si cad dibadda ugu soo baxaya.

Dadka ka falceliyay wareysiga Cabdi-saciid waxaa ka mida Wasiirka Batroolka Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo qoraal uu faafiyay isagoo sheegay in marka hore Cabdi Saciid aanu ahayn mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiir C/risaaq ayaa intaas ku daray in Cabdi-sacuud 15-daqiiqo si nacasnimo ah u hadlayay, una muuqday inuu taageersan yahay Al-Shabaab.

- Advertisement -

Dhinaca kale Cabdi-saciid oo ka jawaabay muranka uu dhaliyey Wareysigiisa ayaa qoraal kale ku sheegay inuu arkay kooxo uu sheegay inay lacag la siiyo iyo Wasiirka Musuqmaasuq ku caan ah oo isku dayay inay warkiisa ka jeediyaan qaabkii uu ahaa oo ah Itoobiya & waxqabad la’aanta dowladda Muqdisho.

Cabdi-Saciid ayaa been abuur ku tilmaamay eedeynta loo jeediyay ee ah Shabaabnimo iyo inuu taageero kooxda, kadib wareysigiisa buuqa ka dhaliyay Baraha bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON