Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta la kulmaya La-taliyaha Madaxweynaha Mareykanka ee dhinaca amniga John Bolton, isagoo sidoo kale kulan la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Bankiga Adduunka.
John Bolton ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa ku sheegay inuu maanta kulan ka yeelan doono Ra’iisal wasaaraha Somalia Kheyre, ayna ka wadahadli doonaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo Amniga ee Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta sida Mareykanka uga go’an tahay dagaalka lagula jiro argagixisada ee Geeska Afrika.
John Bolton ayaa ah mas’uulka ugu sareeya ee dowladda Mareykanka ka tirsan oo wafdiga Ra’iisal wasaare Kheyre la kulmi doono, waxaana uu ka mid yahay madaxda ugu dhow madaxweyne Trump ee taladu ka go’do.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Kheyre iyo wafdigiisa ayaa la kulmay guddoomiyaha cusub ee Bankiga Adduunka David Malpass oo maalintii ugu horeysay ee xilka uu qabto ku qaabilay xafiiskiisa iyadoo uu dhowaan soo magacaabay madaxweyne Trump.