Wararka laga helayo magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya lagu celiyay garoonka Diyaaradaha magaalada Garowe xilli uu maanta doonayey inuu ka dhoofo.
Khadar C/raxmaan Faroole aya la sheegay in laga hor istaagay inuu ka duulo Garoonka Garowe, isagoo kusii jeeday magaalada Muqdisho, wuxuuna hore uga mid ahaa afar siyaasi oo maamulka Puntland ee Siciid Deni ku eedeeyay inay ka danbeeyeen shaqaaqo ka dhacday Garowe.
Warqad soo qabasho oo Xeer ilaalinta Puntland u jartay siyaasiyiinta uu ka mid ahaa La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Khadar Faroole ayaa laga noqday, kadib xal laga gaaray xiisadii Doorashada Garowe, laakiin lama oga sababta looga hor istaagay inuu ka duulo Garowe.
Khadar waxaa dhalay madaxweynihii hore ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole, wuxuuna hadda si weyn uga horjeedaa Madaxweynaha Puntland, taasoo xiisad ka dhalisay Magaalada Garowe.