La-taliyaha dhinaca doorashada ee madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo sheegay in magaalada Kismaayo lagu xiray, lagna soo tarxiilayo maanta wakiilkiisii Doorashada.
Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in wakiilkiisii magaalada Kismaayo ee ololaha doorashada oo aanu magaciisa sheegin la geeyay Garoonka magaalada Kismaayo si loogu masaafuriyo Magaalada Muqdisho.
Wakiilkan ayuu sheegay in la xiray oo uu xalay ku hoyday xabsiga magaalada Kismaayo, saaka la masaafurinayo, wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in qof aan danbi galin gurigiisa laga tarxiilo oo lagu bartilmaameedsado kaliya cidda uu taageersanyahay siyaasad ahaan.
Ma jiro cid xaqiijisay sheegashada la-taliyaha Arrimaha Doorashada ee Farmaajo oo hore u sheegay inuu yahay musharax kursi ka tirsan Golaha shacabka, waxaana hore u dhacday in laga soo celiyey garoonka magaalada Kismaayo.
Cabdi Cali Raage ayaa hore u ahaa la-taliyaha gaarka ah ee Axmed Madoobe, balse markii danbe ayey isku dhaceen, isagoo muddooyinki danbe ka mid ahaa gacan-yareyaasha Farmaajo.