Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in garoonka magaaladaasi laga celiyay maanta La-taliyaha arrimaha Doorashada ee Madaxweynihii xilku ka dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo.
La-taliye Cabdi Cali Raagge ayaa saaka la socday diyaarad ka tagtay magaalada Muqdisho, balse markii uu ka degay Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle ee magaalada Kismaayo, ayaa la sheegay inay dib u soo celiyeen saraakiisha maamulka Jubbaland, una sheegeen inaan loo ogoleyn magaalada.
Diyaarad uu saarnaa Cabdi Cali Raage oo hadda ah musharax taagan kursi ka mida Golaha shacabka ee yaalla magaalada Kismaayo ayaa maamulka Jubbaland amar ku siiyeen inay dib u noqoto, waxaana diyaaradaha taga Kismaayo lagu wargeliyay inaysan soo qaadi karin musharax Xildhibaan Cabdi Cali Raage.
Cabdi Cali Raage ayaa qeyb weyn ka ahaa khilaafka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Axmed Madoobe, wuxuuna hore usoo ahaa La-taliye iyo saaxiib u dhow Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.
Arrintan ayaa caddeyn u ah inuu weli taagan yahay khilaafkii Maxamed Farmaajo iyo Axmed Madoobe, iyadoo ay socdaan wadahadallo ku saabsan Gobolka Gedo iyo Doorashada Dadban ee Federaalka.
