Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa go’aamiyey in Kusigii ay ku fadhiday Xildhibaan Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi laga wareejiyo degaan doorashada magaalada Beledweyne.
Qoraal kasoo baxay ayay ku sheegeen in kuraasta HOP#009 iyo HOP#135 oo deegaan doorashadoodu ahayd magaalada Beledweyne loo wareejiyey Magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle.
Go’aankan ayaa yimid, kadib markii ay Maamulka Hirshabelele, Ugaaska Besha leh Kursiga iyo Guddiga SEIT Hirshabeelle isku raaceen, iyadoo la tix-raacayo heshiiskii 17 Sebtember 2020 iyo ansixintii labada aqal ee dowladda Federaalka ee Soomaaliya.
Guddigu FEIT wuxuu go’aamiyey in doorashada labada kursi ee kor ku xusan laga wareejiyey Beledweyn loona wareejiyey in doorashadooda lagu qabto Magaalada Jowhar.
Kursiga HOP009 ayaa horeba loogu doortay magaalada Jowhar, go’aankan ka hor, halka la sugayo kursiga HOP135.
Hoos ka akhriso go’aanka