Gudiga Doorashooyinka Hirshabeelle ayaa shaaciyay jadwalka Doorashada 4 kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee Beledweyne oo ah kuwii ugu danbeeyay.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in doorashada Afartan Kursi la qabanayo Axadda 27 Bishaan Marso, waxayna kala yihiin:
1: Kursiga HOP058 oo ah kan ugu adag waxa hadda ku fadhiyo xildhibaan Nuur Iidow Beyle, waxaana kursigaas u sharaxan Xubno uu ugu cadcad yahay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Kursigan waxaa loogu dib mariyey inuu yahay midka ugu adag ee la isku hayo cidda ku guuleysan lahayd. Nuur Iidow ayaa taageero ka heysta Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle iyo kooxda Farmaajo & Fahad, iyadoo Yuusuf Dabageed oo doonayo inuu xilkiisa ku ilaashado kursigan oo uu siiyo Nuur Iidow.
Labada musharax ee tartanka adag ka dhaxeeyo ayaa hore ugu loolamay kursigan magaalada Jowhar, waxaana kusoo baxay Nuur Iidow, iyadoo hadda la sugayo cidda kusoo bixi doonta.
2: Kursiga HOP019 waxaa hore ugu fadhiday xildhibaan Farxiyo Muumin Cali, waxay hadda wajaheysaa tartan adag, inkastoo rajada dib u soo noqoshadeeda aysan kala caddeyn.
3: Kursiga HOP059 waxaa hore ugu fadhiday xildhibaan Samiiro Xasan Cabdulle, furitaanka kursigan ayaa olole loo galay, waxaana rajo lag qabaa inay kusoo laabato.
4: Kursiga HOP039: Waa kursi ay ku fadhiday xildhibaan Maryan Axmed Haaruun, waxaana la sheegay in tartankiisa la furayo, xilli beesha leh ay doooneyso in laga saaro qoondada haweenka.
Maamulka Hirshabeelle oo dib u dhac kasoo wajaheed doorashada ayaa toddobaadkan soo afjaraya kuraasta taallay magaalada Beledweyne, iyadoo kadib laga sugayo dhammeystirka kuraastaku harsan caasimadda Jowhar.

