Dadweyne far badan oo kumanaan ah iyo saraakiil iyo mas’uuliyiin ahaa ka qeyb galay janaasada Taliyihii ciidamada Qudus ee dalka Iiran Jeneral Qaasim Suleymaani iyo ku-xigeenkii Kacdoonka Shacabka Ciraaq Abuu Mahdi Almuhandis oo Mareykanku ku diley duqeyn ka dhacay Garoonka Diyaaradaha magaalada Baqdaad.
Meydadka Jeneralka iyo shan xubnood oo kale oo lala dilay ayaa la saaray Gawaari dusha a furan waxaana la geeyay degaanka Kadimiya ee magaalada Baqdaad, halkaasoo janaasadii lagula tukaday, waxayna kumanaanka dadka ah ee isugu soo baxay ay buux dhaafiyeen wadooyinka degaankaasi oo dhan iyadoo watay calamadda kooxda Kacdoonka Shacabka ee loo yaqaan Xashd Alshacbi oo ah maleeshiyo ay Iiraan taageerto.
Dadweynaha sagootinayey meydadka uu ka mid ahaa Jeneral Suleymani ayaa ku dhawaaqayey ereyo ay ka mid yihiin: ‘Allaahu Akhbar” iyo “America ka dhimasto.. ha dhacdo..” iyo ereyo kale, iyadoo ay ka muuqatay murugo. Ra’iisal wasaraha Ciraaq Caadil Cabdi-Mahdi iyo madaxda xisbiyada waaweyn ee dalka Ciraaq ayaa ka qeyb galay Janaasadda.
Dhinaca kale Iiraan ayaa shaacisay Farriin uga timid Mareykanka oo maalintii shalay ahayd uu soo gaarsiiyey safiirka dalka Switzerland u fadhiga magaalada Tehran, kaasoo danaha Mareykanka metala, waxaana fariintaasi uu Mareykanka ugu sheegay Iiraan inay jawaabta ay ka bixineyso dilka Jen. Suleymani aysan ka badnaan aargudashada dilkiisa oo saameyn ku yeelan Gobolka.
Taliye ku xigeenka ciidamada ilaalada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in jawaabta Iiran ay noqon doonto mid ay go’aan ka gaarto Iran oo kaliya ee aanay kala tashaneyn Mareykanka.


