Wararka laga helayo dalka Lubnaan ayaa sheegaya in 9 Qof ay ku dhinteen isla markaana in ka badan 2000 qof ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay gobollo badan oo ka mida Lubnaan.
Qaraxyadan ayaa loo adeegsaday Aalad isgaarsiin oo Mobile oo kale ah, taasoo ay si gaara u adegsadaan Xubnaha ururka Xisbullaahi ee Lubnaan, waxaana weerarkan uu ahaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah, iyadoo weli aan faahfaahin laga helin sida wax u dhaceen.
Qaraxyo ayaa isku mar ka dhacay dalka Lubnaan, waxaana wada qarxay aaladda loo yaqaan ‘PAGER’ oo ah Qalab gacanta lagu qaato oo ay adeegsadaan xubnaa Xisbullaahi iyo dadka ku dhow ee shacabka ah.
Muuqaalo iyo sawiro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya rag dhaawac ah oo fadhiya halka qaarna ay dhulka daadsanaayeen sidoo kale dhaawacyada qaar ayaa loola cararay isbitaalka.
Dowladda Lubnaan ayaa ku eedeysay Israa’iil weerarkan nooca cusub ah, waxaa sidoo kale War uu goor dhoweyd soo saaray Xisbullaahi uu ku shaaciyay inay Yuhuudu ka danbeysay Qaraxyada aaladaha Isgaarsiinta, isla markaana laga aari doono dhibaatadda ay geystay.
Ma jiro wax jawaab ah kasoo baxday militariga iyo mas’uuliyiinta Israa’iil, waxaana madaxda dalkaasi laga joojiyay inay warbaahinta la hadlaan.