Thursday, April 24, 2025

Kumaandooska Soomaaliya oo Alshabaab kala wareegay degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose

Ciidamada Kummaandooska Soomaaliya ayaa caawa la wareegay degmada Awdheegle  ee Gobolka Shabeelaha Hoose

oo ay kooxda Al-shabaab Saldhigyo ku lahaayeen, una ahayd xarun ay iska abaabulaan.

Howlgalkan oo ah kii ugu horeeyay Ciidamada Kummaandooska ay dagaal noocan ah oo dhul lagula wareegayo ku qaadeen Alshabaab ayaa ka bilowday degaanka Bariire ee degmada Afgooye ee ka tirsan.

Ad

Sarkaalka lagu magacaabo Xasan C/qaadir Abuukar oo hoggaaminayay howlgalka Kummaandooska Soomaaliya ay ku qaadeen Aw-dheegle sheegay in howlgalku uu bilowday galabta, ayna al-shabaab kala wareegeen tuulooyinka Bariire, Mubaarak iyo deegaano kale oo muhiim ah, iyadoo aanay jirin wax iska caabin ah oo Alshabaab kala hor yimaadeen.

Ciidamada Kumaandooska Milateriga Soomaaliya oo howlgallo kooban ku qaadi jiray Alshabaab ayaa hadda bilaabay inay qaadaan howlgallo ay dhul ku qabsanayaan, taasoo ka halis badan howlgalladii hore.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON