Kulan xasaasi ah ayaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo xildhibaanadii is-hortaagay kulankii qalalaasaha ka dhacay ee 24-ka Janaayo ay raaligelin bixiyeen.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in wixii ka dhacay fadhigii labada Aqal ee Baarlamaanka 24-ka Janaayo ay ahaayeen sharci darro aan la aqbali karin, isla markaana ayna dhacday gacan-ka-hadal, Dadna lagu dhaawacay, balse ay is arkeen xildhibaannadii falkaasi ku kacay oo raaligelin ka bixinayaan.
Xildhibaan Yuusuf Gama’diid oo ka tisan xisbiga Himilo ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ayaa kulanka ka sheegay 24-kii janaayo wixii dhacay laba ficil, wixii ku dhaliyay ficilkana ay ka wadahadleen in la saxo, ficilkii ka dhashay ee gacan ka-hadalka isu bedelayna ay raali gelin ka bixinayaan.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday in la aqbalo raaligelinta, balse wixii hadda ka danbeeya lagu kala bixi doono sharciga oo waanwaan danbe aysan dhici doonin.
“Waa inaan isku qancino… inaysan waxaas oo kale soo noqon… mar dambe looma dulqaadan karo in Miiskan la isku qabsado.. in la is feero hadda kadib sharciga ayaan la aadi doono..” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa ka dhashay dood ku saabsan fasiraadda Ajandaha oo xildhibaanno badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen.