Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor dhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka oo ah kii 13aad kalfadhiga 7-aad ayaa waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, iyadoo uu ka baaqsaday Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh.
Ajendayaasha kulanka looga hadlayo ayaa kala ah: Akhrinta koowaad ku noqoshada Miisaanyadda 2020 iyo Akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyedka Socdaalka.
Waaa kulanka xaadir ka ahaa oo lagu furay 140 Xildhibaan, iyadoo lagu wado in Baarlamaanka la hor keeno Qorshaha xasaasiga ah ee Guddiga Doorashada.
